X

Ciyaaraha Afrika oo meel kulul maraya iyo ciyaarihii u dambeeyay

Koobka ciyaaraha Afrika ayaa meel xasaasiya maraya iyadoo Sinigaal ku tumatey dalkaasi Tunisiya oo ahaan jirey horyaalka Afrika ama inta badan u soo bixi jirey koobka aduunka.



Ciyaarta ayaa qaybtii hore looga hormaray gool xulka dalkaasi Tunisiya iyadoo gabagabaya qaybtii danbana loo raaciyay midkale.



Tunisiya ayaa weerar badan qaaday laakiin uma suuragelin in ay dhaafaan difaaca Sinigaal oo aad u adag.

Waxa isla ciyaartaa barbar dhac galay xulalka Aljeeriya iyo Zimbabwe. Waxa caawa isku dhegan Dr Congo iyo Marooko xaga Ivory Coast iyo Togo ay ku dhamaatey eber iyo eber.

Berito waa Masar iyo Maali xaga Yugandha iyo Gaana ay ku qoran yihiin ciyaarta dambe ee bilaabmaysa 10 saacada Somaliya.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.