X

Ciyaartoy matalaayay Somaliya oo bilado ka soo hooyay tartan caalamiya: SAWIRO

Ciyaartoy matalaayay Somaliya ayaa guulo ka soo hooyay tartan caalami ah oo ah ciyaaraha fudud siiba orodada oo ka dhacay Jabuuti. Ciyaartoyda Somaliya ayaa tartankaas ka galay kaalimaha koowaad soona hooyay bilado.


Hoos ka aqriso tartamada ay cayaartoyda ka qayb galeen iyo natiijada ay keeneen.

Cabdi Salaan Axmed Maxamed oo ku tartamay orodka 800 mitir ayaa kaalinta koowaad ka galay. Wuxuuna helay bilad dahab  ah.

Cabdullaahi Jaamac Maxamed oo orodka 1500 mitir ee dhanka da’yarta u tartamayay ayaa kaalinta koowaad  waxuuna sidaaasi ku hantay Biladda dahabka.


Cabdirashiid Yuusuf oo dhanka da’yrta orodka 800 mitir ku tartamayay ayaa isna kasoo galay kaalinta 6-aad ee tartanka.

Cabdicasiis Cabdullaahi Maxamed Orodka da’yarta 3,000 mitir ayaa galay kaalinta Afraad.

Cali Iidow Xasan oo qaybta ciyaartoyda waaweynka ku jiray ayaa ku dhamaystay kaalinta 7-aad ee tartanka qaybtiisa 1500 mitir.


Ciyaartoydan guusha keenay ayaa markii hore tababar ku qaatey dalka gudihiisa, markii dambena loo qaaday wadamada jaarka si kor loogu sii qaado kartidooda.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.