X

Ciyaaryahan Muslim ah oo lagu helay in uu gaadhi kexeeyay isagoo cabsan

Ciyaaryahan Muslim ah una ciyaara kooxda Manchesrter City ee Ingiriiska uuna leeyahay maalqabeenka Imaaraadka carabta ee lacagtiisu ka soo gasho saliida ayaa lagu helay in uu cabsan yahay.

Yaxye Toore oo ka soo jeeda dalkaasi Ivory Coast ayaa boliisku joojiyay kadibna la ogaadey in uu dhaafsan yahay heerka khamri-cabid ee la ogolyahay.

Yaxye Toore oo Muslim ah ayaa guul u soo hooyay kooxda Manchester City ee ninkaa Carabka ah leeyahay, wuxuuna ka mid yahay ciyaaryahanada qaata lacagaha xad dhaafka ah usbuucii.

Yaxye ayaa lagu sii daayay damiin qaali ah waxana la xukumi doonaa bisha dambe. Inta badan waxa laysdanka gaadgiga looga dhiftaa sdhibcooyin badan oo haddii at sagaal dhaafaan marka dambe laga xayuubiyo laysanka.

Yaxye ayaa laga soo xigtey sanadii 2012 in uu yahay Muslim diinta u go’ay isla markaana diidey in uu taabto khamri lagu dabaaldegayay ninka ugu ciyaaryahansan oo uu isagu qaaday.

Kooxda Chelsea oo galabta la ciyaartey Manchester City ayaa ku garaacday 3 gool iyo hal.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.