X

C/rashiid Xasan Mataan oo loo magacaabay jagadii warfaafinta ee Boobe Yuusuf baneeyay

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI C/raxmaan cirro ayaa weereegto uu koordhaweyd soo saaray ku magacabay Xoghayahaa war-faafinta Xisbiga WADDANI,kaas oo uu u magacaabay Aqoon yahayn C/rashiid Xasan Mataan.
                                                           Ujeeddo Magacaabis Xil
Markan dersey: Qodobka 28 aad ee Xisbiga WADDANI
Markaan Arkay:   Baahida  loo qaba buuxintA jagada Xoghayaha War-faafinta
Markan La Tashaday: Xubnaha Hoggaankaa Xisbiga WADDANI
Marka Aan Ku Qancay: Waayo aragnimada iyo aqoonta uu leeyahay Md C/rashiid Xasan Mataan
Maanta oo ay taariikhdu tahay March,9.2016 wuxuu hoggaanka Xisbiga WADDANI  go’aamiyey in Mudane C/rashiid Xasan Mataan uu noqdo Xoghayaha war-faafinta Xisbiga WADDANI
Waxaanu ilaahay uga baaryayaa in uu ku soo kordhiyo  Xisbiga WADDANI figrado wax-ku-ool ah iyo in uu ku soo biirin doono waayo-aragnimo iyo khibraadiisa u gaarka ah .
                                                            ALLAA MAHAD LEH
Md:C/raxmaan Maxamed C/laahi “Cirro”
GuddoomiyahA Xisbiga WADDANI

 

admin:

This website uses cookies.