C/raxmaan Ciro oo dhiibey xilka gudoomiyaha uu mudada hayay iyo goorta la dooranayo bedelkiisa. Ciro ayaa qudbada ku darin feedhkii u dhexeeyay isaga iyo ku xigeenkiisa.
Gudoomiye Cirro ayaa mudanayaasha hortaada waxa uu ka akhriyey taariikhdii kala gadisanaa ee goluhu soo maray mudadii 12-ka sanadood ah, carqaladihii la soo gudboonaaday golaha ee ay xaliyeen, waxqabadkii uu qabtay goluhu intii uu xilka hayay, xeerarkii uu goluhu ansixiyey iyo qodobo kala duwan oo xasaasi ah.
Sidoo kalena gudoomiye Ciro waxa uu xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland u jeediyey dardaaran dhinacyo badan taabanaya,isaga oo ku adkeeyey in xildhibaanadu ay ilaaliyaan xasaanadda ay leeyihiin isla markaana iska cafiyaan wax kaste oo soo kala dhex galay.
isaga oo sidoo kalena ku adkeeyey in ay meel adag ka taagnaadaan xilka ay Qaranka u hayaan mudanayaashu.
Waxaana xildhibaanada soo xaadiray ay tiradoodu dhamayd 71 xildhibaan,
Kalfadhiigi xasaasiga ahaa ee xildhibaanadu saaka iskugu yimaadeen ayaa hadda kasoo dhamaatay xarunta Baarlamaanka Somaliland, waxaana la filayaa in maalinka Axadda ay xildhibaanada golaha wakiiladu doortaan mudanihii buuxin lahaa booska gudoomiye Cirro baneeyey.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS