X

C/raxmaan Ciro oo ka walwalsan musharaxa ku xigeenka xisbiga Wadani Maxamed Cali

Musharaxa madaxweynaha xisbiga Wadani C/raxmaan Ciro ayaa xisbigiisu u garbo duubtey sidii uu u heli lahaa kursiga madaxweynaha ee maamulka Somaliland, waxayna ku xigeen u doorteen musharax Maxamed Cali oo reer Awdala.

Musharax Maxamed Cali maaha musharax muddo ku soo jirey siyaasada Somaliland taas waxa u dheer luqada uu kula hadlayo xisbiga Kulmiye oo hurdo laga qaadayo kana buuxdo baryootan.

Waanata walwal weyn gelisay C/raxmaan Ciro iyo xisbigiisa. Erayada ay aadka uga xanaaqeen ayaa ah ”anagu cidna uma jeedno ee shaqadayada ayaan wadanaa.

Musharax Maxamed Cali ayaan hurdada ka kicin dadka taageera xisbiga oo ka sugaya luqada lagula hadlo xisbiga Kulmiye iyo musuqa iyo qabyaalada taala maamulka Hargeysa oo aanu dadka tusin.

Muuqaalka hoose ee hurdada dadka ku ridey iyo baryootan

C/raxmaan Ciro iyo xisbiga ayaa doonaya in dhulka lagu rido maamulka Kulmiye ee aan la garanayn cida hogaamisa laakiin leh gacanyareyaal badan, walise hadalo sacabka loogu tumo lagama hayo.

Waxase dhinaca kale qaar ka tirsan xisbigu qabaan mar haddii C/raxmaan Sayliciba uu la soo baxay Siilaanyo inkastoo xaaladu ka duwanayd tan maanta jirta oo ay ahayd tola’ay yaa ISAAQAAY iyo cadaadis ka yimi Ingiriiska, ma jirto wax u diidaya in baryootankan lagu doorto xisbiga.

Doorashada soo socota ayaan shaki ku jirin in xisbiga Wadani guulaysan doono marka aad fiiriso tirada kala raacsan beelaha Isaaq dhexdeeda iyo beelaha darifyada siiba kuwa reer Awdal.

Waxayse ay jeclaan lahaayeen in musharax Maxamed Cali boodhka iska jafo oo uu weeraro gacanyareyaasha Siilaanyo dadkana tuso musuqa jira ee uu dhaafo baryootanka.

Waxay la sii yaabeen mar uu yiri doorashadaa dib u dhacaysa.

Hoos ka fiirso soo noqodkiisii Kiiniya musharax Maxamed Cali oo halmar sacabka loo tumay iyo waxa loogu tumay oo ay ka dambaysay dalka waan wada leenahay oo aan ka daadageyn reer Awdal.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.