Wararka laga helayo Hargeysa ayaa sheegaya in madaxweyne ku xigeenka Somaliland uu dhaawac soo gaadhay isla markaana Siilaanyo iyo murashaxa xisbiga Kulmiye ku booqdeen gurigiisa.
Saylici ayaa waxa uu dhaawaca ka soo gaadhay lugta gaar ahaan jilibka kaasi oo loo badinaayo in uu yahay dhaawac culus.
Lama garanayo sida dhaawacu ku soo gaadhay waxase wararku sheegayaan in socodku ku adagyahay. Saylici ayaa lix sanno fadhiyay kursiga ku xigeenka waxna uma tarin dadkii isaga doortey, hadana wuxuu ka rajaynayaa in ay dib u doortaan.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa dhawaciisan jabniinka loo badinayaa in uu yimid ka dib markii shalay galab uu ku siibtey marmarka aqalkiisa.
Muuqaalka hoose ayaa muujinaya dhaawaca Saylici
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS