Ondo–Masuuliyiinta gobolka Ondo ee Koofurta Nayjeeriya ayaa sheegaya in cudur aan la garanayn uu dilay 18 qof. Cudurkan ayaa la sheegay inuu ku dhacayo xididada neerfaha waxana qofku dhimanayaa marka uu ku dhaco muddo aan sidaa u fogeyn.
Waxa goobta gaaray masuuliyiin ka socda ururka caafimaadka aduunka waxayna durba xaqiijeen in cudurku aanu ahayn Ibola.
Masuuliyiinta ayaa sheegay in marka cudurkani haleelo dadka ay dareemayaan indhaha oo shucuuc fuulo,madax xanuun iyo kala garasho la’aan wuxuuna qofka dilayaa 24 saacadood gudahood.
Qaylo dhaan ayay direen masuuliyiinta gobolku waxana durba gaaray ururka caafimaadka aduunka oo xaqiijinaya nooca cudurkani yahay.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS