X

Cudurka hargabka Shiinaha oo qarka u saaran in la xakamayn waayo: WARBIXIN

Ururka caafimaadka aduunka oo hore u sheegay in aan loo baahneyn in xanibaado la soo rogo ayaa sheegay in cudurku ku socdo in la xakamayn kari waayo. Tusaalaha sida cudurkan u adag yahay in la xakameeyo ayaa ah sidan soo socda.


Nin Talyaani ah oo 38 jir ah ayaa markii ugu horeysay cudurku ku dhacay dalkaasi waxana la dhigey isbitaalka, kadib markuu sheegay inaanu Shiinaha soo marin ama tagin dhaqaatiirtu kama shikin inuu xanuunka qabo.

Kadibna xaaskiisa oo uur sideed bilooda leh ayaa sheegtay markii xaalkiisu xumaadey inuu waqti la qaatey nin Shiinaha soo maray. Xaaskiisii ayaa iyadna qaaday cudurka oo uu ku xigey nin ay wada tababar qaadanaayeen ninka.


Waxa la takooray dhamaan shaqaalihii uu ninkaasi la shaqaynaayay iyo macal dhaqaatiirta iyo kalkaalisooyinka. Ninkii Shiinaha isagu tagey ayaa la sheegay inuu maamule ka ahaa bakhaar ay dad badan ka shaqeeyaan.


Waxa hadda lagu dabajiraa in la raadiyo dhamaan shaqaalaha bakhaarkaas oo kala firdhey. Marka kuwaas la helana hadda la raadiyo cidii ay la kulmeen iyo kuwaasi ay la sii kulmeen.


Xaalada sidaasa ayaa cudurkan ka dhigtey mid ay adkaanayso in laga guulaysto.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 


admin:

This website uses cookies.