X

Cudurka khatara oo daawo loo helay

Cudurka khatarta ah ee Iboola ayaa loo helay daawo si dhaqsa ah qofka u dulqaadaysa xanuunka. Daawadan oo lagu tijaabiyay wadanka Gini ayaa muujisay kahortag fiican oo 100% ah.

Gini ayaa ka mid ahayd wadamada uu sida xun cudurku ugu faafay oo ay ku dhinteen dad aad u farabadan. Cudurkan ayaa bedela dunta bulshada uu ku dhaco oo xataa aanad aasan Karin maydkaaga.

Shirkada samaysay daawadan deg dega ah oo loo yaqaan Merk ayaa sheegtay in ay ugu deeqday ilaa 300,000 oo daawo oo deg dega goobaha xanuunku wali ka jiro.

Ilaa 6000 oo qof oo lagu tijaabiyay daawadan ayaa saafi ka noqdey xanuunka laakiin weli lama garanayo in daawadan caruurta loo isticmaali karo caruurta maadaama aan iyaga lagu tijaabin.

Cudurkan daawadiisa la helay ayaa RABI loogu mahadiyaa iyadoo xanuunada qaar ay qaataan 10 sano in daawadooda la helo.

Ciidamo ka socday wadanka fiqiirka ah ee Siiraliyoon ee cudurkani ku dhacay ayaa deg deg looga saaray Koofurta Somaliya gaar ahaan magaalada Kismaayo inta ayna qaadsiin daka diciifka ah.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.