X

Cudurka Kooro oo laga helay Burco iyo Berbera

Maamulka Muuse Biixi ee Somalilaan ayaa xaqiijay in cudurka Kooro laga helay laba qof oo midna joogo Berbera kan kalana joogo Burco. Waxa welli furan diyaarada Itoobiya iyo marinka Wajaale halkaas oo ay macquul tahay in cudurku ka soo galay.


Maamulka Muuse Biixi oo aad u habacsan ayaa ah fowdo ayna dadku ogeynba inuu Jiro, haddase dadku ILAAH ayay leeyihiin waana muhiim in talada RABI laysku xiro cid xilligeeda dhaafaysaa ma Jiro.

”Waxa jira laba qof oo midi Shiine yahay kan kalana yahay Somali ka dhiiban Ingiriiska oo kiiskooda la gudbiyay 26-kii bishan haddana la soo xaqiijay inay qabaan ayuu yiri afhayeen u hadley Muuse Biixi.


Dabcan dawlada Somaliya ayaa kiisaska laga shikiyo oo dhan u gudbisa xarun ku taala Kiiniya taas oo dib u dhigeysa takoorida dadka laga shikiyo.

Xuseen Warsame oo Hargeysa jooga ayaa qaba in ninka Burco jooga ee laga helay Koorada in laga yaabe inuu yahay nin hore loo waraystey oo ka cabanayay sida loogu galay madaarka Hargeysa xilli ayna jirinba wax takoorida.


Waxase muuqata in maamulka Muuse Biixi ka boodey inuu takooro 14 cisho dadka ka soo degaya madaarka u furan oo dadka qaarkii ku eedaynayaan in eheladiisu ka macaashaan diyaarada Itoobiya.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.