Nayroobi–Culimada waaweyn ee Kiiniya ayaa fariin adag u diray culimada muslimka qaasatan Somalida ee afka xidha bustahana hoosta ka gala ee waajibkooda gabay xilliyada ay dhacayaan falalka wuxuushnimo ee argagixisada shabaab fuliso sida xasuuqii ay ka gaysteen jaamacada Gaarisa oo rasaas hurdada looga toosiyay ardey hurudey.
Culimada ayaa sheegay in culimada ama qofka muslimka ah ee ka aamusa marka ay dhacayaan falalka wuxuushnimada in ay yihiin kuwo gabay masuuliyadii ka saarneyd.
Culimada ayaa ugu yeeray dawlada in ay gacan culus ku qabato culimo ku sheega beenta u sheegaya dhalinta ee maskaxda ka qabsanaya.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS