Culimo war ka soo saartey xagjiriin Salafiyiin ah oo loo magacaabay culimada Somaliland. Culimada Shaaficiga ee ah madhabka Somalidu boqolkiiba boqol haysato ayaa ku gacan saydhey culimo xagjiriina oo Salafiyiina oo maamulka Somaliland magacaabay.
War culimada Shaaficiga oo lagu aqoon dagaal iyo xagjirnimo ayaa warka u soo saaray sidan.
Sidoo Culimada Ahlusuna Waljameeca ee Somaliland waxay soo saareen bayaan ka kooban 5 Qodob isla markaana ay kaga hadlayaan 12 Xubnood ee loo Magacaabey Guddida Golaha Culimada Dalka.
1.In Aaney guddidaasi waafaqsaneen dastuurka Jamhuuriyada Somaliland Tiro ahaan iyo shuruud ahaanba
2.In Aan Guddidaas lagu qeybin si cadaalad ah oo siman balse ay yahiin koox kaliya
3.In ay guddidaas ka mid yahiin rag xanbaarsan fikiradaha xag jirka ah
4.In aaney matali Karin mad habdkii iyo caqiidadii dalkani lahaa
5.In aany magacaabidoodu ku habooneen wakhti xaadirkan kala guurka lagu jiro
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS