X

Cunsuri Taram oo diidey inuu raali gelin bixiyo siina weeraray xildhibaano Ilhaan ku jirto

Cunsuriga weyn ee Muslimka iyo ajaanibta neceb ee Taram ayaa diidey inuu raali gelin bixiyo hadalkii neceybka ahaa ee xildhibaano u dhashay dalka ama kuwo yimidba sida isaga oo kale uu ku ganay.


Cunsuriga buka ee Taram ayaa afar xildhibaan ku yiri ku noqda dalalkiina fashilmey ee aad ka timaadeen ileen waa neceb tihiin dalkane. Xildhibaanada xisbiga Dimoqraadiga oo cabsi qaba ayaan taageero buuxda siinin xildhibaanada ayagoo sheekadan u arka mid cadaan iyo midabada kale u dhaxaysa.


Haweenayda afhayeenka u ah xisbiga Dimoqraadiga ayaa taageero buuxda siin weyday afartan xildhibaan ee cunsuri Taram weeraray taas oo kala jabisay xisbiga dimoqraadiga.

Taram iyo taageereyaashiisa ayaa qaba in cadaanku dalka dhistey ayna yihiin kuwa kaliya ee ku noolaan kara, weyna soo dhaweeyeen fariimaha uu ku qorayo baraha bulshada.


”Waxba igama gelin waxa dadka kale qabaan waxaan haystaa dad I taageersan ayuu yiri cunsuri Taram oo markii horeba ku soo baxay tigidhka xagjirnimada.

Cunsuri Taram ayaa sii wada doona weerarka uu ku hayo haweenka ku jira barlamaanka ooIlhaan Cumar tahay tan uu ugu necebyahay.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.