X

C/welli Gaas iyo C/kariin Guuleed oo markale heshiis saxiixay maxaase cusub hadda: SAWIRO

Waxa markale heshiis wada saxiixdey madaxda maamulada Galmudug iyo Puntland oo hadda ku wada sugan magaalada Muqdisho ku saabsan xiisadaha iyo colaadaha ku soo laalaabtay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Heshiiska oo dhigaya in laga shaqeeyo sidii nabad loogu noolaan lahaa magaalada Gaalkacyo, waxaana labada dhinac u kala saxiixay madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland.



Waxaa goob joog ka ahaa heshiiska madaxweynaha Soomaaliya, ra’iisul wasaaraha dalka iyo wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

 

Qodobada kasoo baxay shirka maanta ayaa waxaa kamid ah in dib loo furo isu socodka magaalada Gaalkacyo iyo in ciidamo boolis isku dhaf ah la geeyo goobaha dagaalada ka dhaceen.

 

Sidoo kale qodobada lagu heshiiyay waxaa kamid ah in bisha labaad ee sanadkaan la iskugu yimaado kulan looga hadlayo amaanka magaalada iyo waxyaabaha heshiisyada ka dhaqan galay.






admin:

This website uses cookies.