C/welli Gaas ayaa isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa wasiirada. Wasiirada la magacaabay ayaa u badan wasiiro dawleyaal iyo wasiir ku xigeeno, wuxuu kaloo buuxiyay xilka wasiirka warfaafinta oo muddo 9 bilood ah la magacaabin.
Madaxweyne Gaas ayaa samneeyay wasaarad cusub halka wasiirada ay qaar yihiin kuwo cusub qaarna yihiin kuwii hore oo isku bedel lagu sameeyay.
Hoos ka akhri liistada
- Cabdiraxmaan Barkhad Warsame Wasiirka, waa Wasaaradda Warfaafinta, Hiddaha iyo Dhaqanka
- Cabdikhadar Faarax Shaaciye waa Wasiirka Dib Udhiska Iyo Horumarinta Puntland.
- Maxamuud Faarax Beeldaaje waa Wasiiru Dowlaha Wasaarada Maaliyadda.
- Yaasiin Cabdi Seed waa Wasiiru Dowlaha Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.
- Cabdirashiid Cali Geele waa Wasiiru Dowlaha Wasaarada Amniga
- Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan waa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda.
- Cabdifataax Xasan Xuseen (Waloore) waa Wasiir ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka.
- Aamina Maxamed Cabdulaahi waa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada.
- Cabdiweli Maxamed Yuusuf waa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud.
Xeerkani Wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynu Saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS