X

C/welli Gaas oo kulan la qaatey wasiiradii la eryay

C/welli Gaas ayaa kulan la qaatey wasiiradii la eryay.  Kulanka uu Madaxweyne Gaas la qaatay Wasiirada wuxuu ahaa mid laga soo horumariyey kii todobaadlaha ahaa ee caadiga, Khamiis kastana la qaban jiray.

Madaxtooyada Puntland kulankaasi wax war-murtiyeed ah kama aysan soo saarin, balse wararka la helayo waxa ay sheegayaan in looga hadlay waxa dhacay iyo tillaabada xigta.





Golaha Wasiirada Maamulka Puntland, ayaa shalay la riday, kadib markii codka kalsoonida ay u qaadeen Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Puntland oo kulan ku yeeshay xaruntooda Golaha Shacabka.

Xildhibaano gaaraya 47 Xildhibaan ayaa codka kalsoonida ah si rasmi ah ugala noqday Golaha Wasiirada Puntland, 9 Xildhibaan ayaa ka aamusay 1 Xildhibaana waa uu diiday.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.