X

Daacish oo lagu yaqaan in ay farxadaha geeri u rogto oo xasuuqey 50 qof dalkaasi Turkiga

Argagixisada Daacish ayaa xasuuq xun ka gaysatey dalkaasi Turkiga magaalo xad la leh Siiriya oo ay degan yihiin boqolaal Siiriya ka soo qaxay iyo waliba Kurdiyiin.

Xaflad aroos oo farxad lagu jirey ayaa halmar isku bedeshay dhiig markii dhiigmiiratadu bom isku qarxisey dadkii dhexdiisa. Waxa goobta ku nafwaayay ilaa 50 qof halka 94 qof ay ku dhaawacmeen.

Madaxweynaha akhwaanka ee Turkiga Erdogan ayaa sheegay in ujeedada xasuuqu ahaa in dadka Turkiga loo qaybiyo qowmiyado iska soo horjeeda oo isku dila Kurdi, Turki iyo Carab mana guulaysan doonaan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.