Shirkada samaysa noocyada kale ee lagu daaweeyo qaniinyada noocyada kale duwan ee maska ayaa joojisey soo saaristiisa iyadoo sheegtay in uu yaraaday iibsiga daawadaasi sidaana ay ku joojiyeen soo saaristeeda..waxase hadda ka digeya hay’ado badan oo joogo dhul duur ah oo masku ku badan yahay oo sheegaya in dhimashada iyo lugo gayntu ay badnaan doonto.
Shirkada samaynaysay daawada ugu fiican ee la yiraa Fav-Afrique ayaa sheegtay in daawadaasi dhacayso Juun 2016 isla markaana ayna diyaarin sii balaadhinteeda. Daawada Fav-Afrique ayaa iyadu daawo ka ah noocyada badan ee masaska qaniinyadooda halka daawooyinka ah ay daawo ka noqon karaan qaniinyada hal mas oo qudha.
Masaska ayaa inta badan soo raadsada cunto taas oo keenta in ay yimaadaan meel ay dadku ku nool yihiin taas macnaheedu maaha in ay jecelyihiin in ay yimaadaan meel noocaasa.
Qaniinyada masaska ayaa inta badan ah in ay is difaacaan. Daawadan dhamaanaysa ayaa iyadu daawaysa noocyo badan oo masas ah.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS.COM