X

Daawo Aserbajaan oo hilfaha u qaaday difaacii cirka ee Armiiniya oo Ruushku siiyay

Waxa saaka dib u bilowdey iska hor imaadka u dhexeeya ciidamada Armiiniya oo Ruushku si xun u hubeeyay iyo kuwa Aserbajaan oo taageero aan buurnayn ka haysata Turkiga. Wadamada Maraykanka, Ruushka iyo Qaramada midoobey ayaa dalbadey xabadjoojin waase kuwa ka masuulka ah in xaalku sidan ahaado 30 sano.


Armiiniya oo Ruushka ka helaysa ayaa burburkii Soofiyeetka waxyar kadib weerar culus ku qaaday Aserbajaan oo kala daadsan haysana ciidan iyo hub, waxayna qabsadeen dhul badan oo u xeeran aaga Nagorno Karabakh ee Aserbajaan.

Armiiniya ayaa gaalada u habar wacatey mana rabaan inay xal ka gaaraan arinta dhulka Aserbajaan ayagoo qiraya in Armiiniya xadgudubtey laakiin haddana ku dhiiranayn inay joojiyaan.

Saldhiga Ruushku ku leeyahay Armiiniya ayaa mashquul ahaa saacadihii u dambeeyay ayadoo ay ka soo degayaan diyaaradaha waaweyn ee Ruushku leeyahay oo hub wada.


Hoos ka daawo diyaaradaha aan la wadin ee Turkigu siiyay Aserbajaan oo hilfaha u qaadaya difaaca cirka Armiiniya.


Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.