X

Daawo: Faadumiina oo maxkamad la fuulaysa agaasimaha telefishanka Universal tv

Waxa baryahan aad u soo batey cabasho iyo xuquuq ay tabanayaan fanaaniin caana iyo jilayaal qayb weyn ka soo qaatey taxanayaal laga sii daayo telefishanka Universal iyo bogga agaasimaha Abuubkar Mahdi.


Haddaba Faadumiina oo u dambeysay fanaaniinta iyo jilayaasha cabanaya ayaa dalbatey in Abuukar degdeg uga saaro muuqaaladeeda haddii kalase ay maxkamad la fuuli doonto.

Waxa kale oo isna hadlay jilaaga Bosbaas oo sheegay inaanu qayb ka ahayn taxanihii XUJO oo uu kaga jirey qayb muhima ama uu ahaaba jilaaga koowaad.


Waxa ugu weyn ee lagu eedeeyay Abuukar Mahdi aya ah xaquuq la’aan iyo isku dir fanaaniinta iyo jilayaasha. Abuukar Mahdi ayay sheegtay Ilhaan Xarago inuu maalmo ku baryay jeelka Landhan.

Ilaa hadda Abuukar Mahdi kama hadlin kamana jawaabin eedaymaha galaaftey inuu xabsi ku galo iyo isku dirka iyo xaquuq la’aanta.


Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.