Dad xoogan ayaa ka kacay magaalada Boosaaso guri ay degan yihiin qoys danyara waxana la xaqiijay geerida afar caruura. Dad ka agdhawaa guriga dabku ka kacay ayaan ku guulaysan inay badbaadiyaan.
Guriga uu dabku ka kacay ayaa waxa deganaa dad danyara wuxuuna ka samaysnaa baco iyo dhar laysku daray, taas oo sahashay in dabku sii faafo.
Masuuliyiinta degmada Boosaaso ayaa sheegay in afar caruura oo sadex walaalo yihiin ay dabkaas ku dhinteen. Waxa la sheegayaa in dabku ka dhashay koronto ku faaftey guryo badan laakiin gurigan mooyee inta kale bad qabaan.
Maaha markii ugu horeysay ee aqal Somaliga casriga ah ay dab ka kacaan dadna ku dhintaan, waxana masuuliyada ugu leh maamul Butlaan ee fadhiidka oo sheeganaya masuuliyada gobolka ayuu yiri Cali Calasow.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS