X

Dabadhilifka Yukrayn oo ka codsaday madaxweyne Buutin inaanu dilin

Raiisal wasaarihii hore ee Yuhuuda ayaa qarxiyay inuu sanadkii hore dalab codsi u tagay dalkaasi Ruushka oo markaasi weerar khaasa ku qaaday dabadhilifka Yuhuudiga ah ee Yukrayn haysta una shaqeeya Maraykanka.



”Socdaalkii aan ku tagay sanadkii hore dalkaasi Ruushka wuxuu gebi ahaanb ahaa mid u iga codsaday Salaski dalabka uu watayna wuxuu ahaa sidii aanu u dilin madaxweynaha Ruushka ayuu yiri raiisal wasaarihii hore ee Yuhuuda.

Waxa socdaalkeyga ogaa Maraykanka, Jarmalka iyo Faransiiska ayuu raaciyaya. Howshaan u tagey oo dhexdhexaadin beena ahaydm waxay ku salaysnayd codsigaa uu lahaa madaxweynaha Yukrayn ayuu sii raaciyay raiisal wasaarihii hore ee Yuhuudu.



Salaski ayaa xilligaa waxa gudaha caasimada Yukrayn ku jiray ciidamada Ruushka waxayna raadintiisa ku jireen inay qabtaan, waxana uu ku dhuuntey hog dhulka hoostiisa.

”Markii madaxweyne Buutin iga balan qaaday inaanu dileyn dabadhilif Salaski waxaaan markiiba wacay Salaski una sheegay inaanu dileyn, wuxuuse iga codsaday cadayn, waxaanana ugu jawaabay anaa boqolkiiba boqol kuu huba ayuu yiri raiisaaraha hore ee Yuhuudu,



Dabadhilif Salaski oo laga cafiyay dil ayaa ka soo baxay hoga uu ku jiray fariina been ahna ku qoray baraha bulshada uu ku sheegayo inaanu cidna ka baqayn. Waxa fariintaas si borobagando ah u faafiyay warbaahinta reer galbeedka ayagoo uga dhigaya faan iyo nin dalkiisa difaacaya,



Maaha markii ugu horeysay e dabadhilif Salaski uu codsi u dirsado madaxweynaha Ruushka oo uu ku sheegay inaanu dib ula hadlayn inta uu xukunka hayo. Afhayeenka Faransiiska ayaa sheegay inya markasta oo ay la hadlaan madaxweyne Buutin uu codsiga ka yimaado dabadhilif Salaski.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.