X

Dad gadoodsan oo gubey dhaqaalaha dalkooda Itoobiya

Maamulka gobolka Oromada ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in dibad baxayaal ay weerareen Warshad shamiitada sameysa, halkaas oo ay dab  ku qabadsiiyeen Gaadiidkii iyo Mashiinadii Warshada,

Warshadda waxaa lahaa nin u dhashay dalka Nigeria oo ah ninka ugu taajirsan Afrika oo lagu maga caabo Aliko Dangote.

Sidoo kale  dibad baxyaasha ayaa weerareen  Saldhig Boolis waxayna sii daayeen maxaabiis, iyagoo sidoo kale dab qabad siiyay gawaarida dowladda.

Dibad baxayaasha Oromada ee gobolkaasi ayaa waxay ka careysan yihiin in ka badan 50 qof oo Axaddii halkaasi ku dhimatay, iyagoo ka qeyb galayay munaasabad dhaqan oo rabshado isu badashay.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.