Saylac–Booliiska magaalada Saylac ayaa todobadkan maydkooda helay laba qof oo sida la sheegay lugeynayay oo cadceeda kulul awgeed u dhintey biyo la’aan. Dadkan ayaa la sheegay in ay lug ku marayeen dhulka oomanaha ah e u dhexeeya Awdal iyo Jabuuti.
Laba marxuum oo aan magacyadooda iyo haybtooda toona la aqoonsan ayaa 7-dii iyo 8-dii bishan meydadkooda laga helay duleedka magaalada Lowyacaddo iyo deegaan ka tirsan dhulka Miyiga ah ee degmada Saylac, waxaana sababta geeridooda lagu sheegay inay u dhinteen Harraad iyo Hanfiga Xagaaga, iyadoo kii u dambeeyey la aasay Sabtidii doraad, kaddib markii baadhitaanno lagu sameeyey.
Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Selal Maxamed Cabdi Iimaan oo faahfaahin ka bixiyey dhacdooyinkan u dambeeyey, ayaa sheegay in dadka xilliyadan kuleylaha ah u dhinta xaaladdan oo kale ay u badan yihiin Dad maskaxda ka jirran oo u kala socdaalla deegaamada gobolka iyo dalka Jabuuti.
“Lowyacaddo agagaarkeeda waxa ku dhintay oo meydkiisa la helay nin socdaal ah, waxaana la ogaaday markii dhowr cisho meydkiisu yaallay, xilliganna wuxuu kulayluhu marayaa 40 ilaa 45. Ninkaas Bisha 8-deedii baa la soo sheegay, ilaa hadda magaciisa lama hayo, cid garatay iyo cid soo sheegtay toona lama hayo, Laakiin waxaanu aasnay Shalay (Sabtidii) waayo meydkiisu wuu qudhmay.
Markii aanu baadhnayna waxaanu ogaannay inuu doonayey xagga Jabuuti inuu u tallaabo oo wuxuu ka hadhay dad iyagu tagay (Jabuuti), isaguna wuxuu damcay inuu abooleeyo (qarsoodi ku galo Jabuuti),” Sidaas ayuu yidhi Taliyuhu.
Taliyaha oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yiri “Waxa kale oo jira mid kale oo bishan 7-deedii aanu helnay, laakiin kaas meydkiisa cunay waraabe. Runtiina ma garanayno inay isku mid ahaayeen oo uu doonayey inuu Abooleeyo iyo in kale, laakiin waxaanu u malaynayna dadkaas maskaxda ka jirran ee iska socda,” Sidaas ayuu yidhi Taliyuhu.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS.COM