X

Dad ka baxsaday xarun kaarantiin oo ku taal NFD

Wararka ka imaanaya deegaanka Ceelwaaq ee NFD ee Kiiniya ayaa sheegaya in xarun kaarantiin ay Ka baxsadeen dad lagu haayay oo gaaraya 32 qof. Dadkaan ayaa looga shikiyay inay qabaan cudurka Kooro. Lama garan karo sidey u baxsadeen.


Dadka goobta cararay ayaa Ka mid ahaa rakaab gaaray 66 qof oo markaas la geeyay xarunta si loo baaro. Dadka Ka shaqeeya xarunta ee kalkaaliyeyeaasha ah ayaa walaac ka muujisay dadkaan aan la baarin ee baxsaday.

“Ma naqaan inay xanuuno qabaan iyo in kale ayuu yirir gudoomiyaha gobolka Mandheera Cali Ibrahim oo hore u sheegay in ay walwal ka qabaan dadweynaha raacaya basaska u kala foosha Mandheera iyo Nayroobi.


Kiiniya ayaa xilliyada habeenkii soo rogtey bandow xilli ay isku dayayso inay yarayso faafida cudurka Kooro oo hadduu gaaro meel Ka mida caasimadda lagu Kala cararayo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.