Saynisyahada jaamacad ku taal dalkaasi Maraykanka ayaa ku guulaystey baaritaan socday muddo 15 sano ah in ay si fudud oo u ridi karaan dadka aadka u cayilan/buuran, iyagoo hadda bilaabay tijaabada qalabka ay isticmali doonaan.
Saynisyahanada ayaa sheegay in ay isticmaali doonaan kubado caaga oo caloosha loo raacinayo xidida dhiiga taas oo keenaysa in ay daboosho unuga keena dheecaanka gaajada, sidaana u yaraynaysa in qofku u baahdo cunto isla markaana si caadiya oo qiyaasan u lumin doono baruur aad u farabadan.
Saynisyahada ayaa tijaabiyay caagagas yar ee lagu buuxcinayo unigaas keena dheecaanada gaajada isla markaana soo daaya gaas kulul sidaana qofku ku dareemo gaajo.
Dhaqaatiirta wadamada Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa sheegay in camaliyada lagu samaynayo qofka buurnida badan in laga heli karo isbitaalada loona diri karo qofka.
Waxay sheegeen in daawadu tijaabo tahay oo ugu badnaan shan sano kadib laga heli karo isbitaalada dalalka Ingiriiska iyo Maraykanka. Dadka aadka u cayilan ayaa ku badan wadamada Ingiriiska iyo Maraykanka kuwaas oo dulsaar ku ah isbitaalada.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS