X

Dagaal beeleedka jufooyinka ISAAQ ee deegaanka Ceel-afweyn oo sii xoogeystay

Dagaal beeleedka u dhexeeya labada jufo ee ISAAQ ee Sanaagta soke ayaa sii xoogeystay waxana la sheegayaa in dhimashadu hadda ay gaarayso ilaa 25 labada dhinaca halka dhaawacuna intaas ka badan yahay.


Dagaalka oo markii hore ka bilaawday deegaanka Duud-carraale oo ku yaalla Galbeedka Gobolka Sanaag ayaa la sheegay in uu ku fiday deegaano kale, isla markaana dagaalka xoogiisa uu dhacay shalay gelinkii dambe.

Wararka ugu dambeeyay ee haatan aan ka heleyno deegaanadii lagu dagaalamay ayaa waxaa ay sheegayaan in weli labada maleeshiyo beeleed ay is hor-fadhiyaan, isla markaana mararka qaar la maqlayo rasaas goos goos ah.


Maamulka Muuse Biixi ayaa toos ula safan mid ka mida jufada ku dagaalamaysa halkaas waana halka sartu ka qudhuntey mana jirto ciidan dhex dhexaada oo kala dhex geli kara aan ka ahayn odayaasha dhaqanka.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.