X

Dagaal dhexmaray ciidamo kala taabacsan Somaliland iyo Butlaan oo lagu kala baxay

Waxa dagaal muddo kooban socday ku dhexmaraay gobolka Sanaag ciidamo kala tabacsan maamulada Somaliland iyo Butlaan. Dagaalka ayaa yimi markii badhasaab ay soo magacowdey Somaliland isku dayay inuu aado degmada Hadaaftimo oo dhinaca Galbeed ka xigta Badhan.


Ciidamada Butlaan ee ku sugan Hadaaftimo ayaanba suginba oo weerar kahor geeyay waxayna qabsadeen gaadhigii badhasaabka kadib markii rasaas lagu banjariyay (Sawirka hoose). Badhasaabka ayaa isagu baxsaday sida warka aan ku helayno.

Gaadhiga ayaa la keenay badhtamaha Hadaaftimo. Waxa la xaqiijay khasaaraha dhaawaca laba askari iyo mid dhimasho ah oo ah dhinaca ciidanka taabacsan Somaliland.


Labada ciidan ayaa kala dalbadey gurmad mase Jiro ciidamo dheeraada oo ay haystaan aan ka ahayn kuwa hadda dagaalamay. ”Waxa dagaalka intiisa badan galay dadka deegaanka ayuu yiri Xuseen Warsame oo wararka dagaalkan la socdey.

Xiisada deegaanka ayaa hadda degan. Maamulka Somaliland ayaa beeniyay in gaadhi laga qabsaday mase soo bandhigin cadeymo.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.