Dagaal xoogan ayaa dhexmaray ciidamada liyuu booliiska ee ismaamulka iyo maleeshiyo hubeysan oo ka soo jeeda beesha dhexe. Dagaalka ayaa ka dhacay xadka Somaliya iyo Itoobiya gaar ahaan aaga Gaashaamo.
Dagaalka oo keenay khasaare aad u balaadhan ayaa lagu soo waramayaa in ciidanka Liyuu booliisku ay iska difaaceen weerar maleeshiyada hubeysani soo qaadeen halkaana ka dileen dhalin farabada.
Lama garan karo waxa sababay dagaalka waxase lagu soo waramayaa in maleeshiyada beesha ka soo duuleen dhinaca Somaliland oo ay ku badan yihiin, dagaalkuna sidaa ku bilaabmey.
Maxamee Yuusuif
ARAABINEWS