X

Dagaal oogeyaasha Hawiye oo dalbadey in maleeshiyadii ay ku awrkacsadeen ciidanka lagu celiyo

Dagaal oogeyaasha Hawiye ee sheegan jirey magaca musharixiinta ayaa dalbadey in maleeshiyadii ay ku awrkacsadeen dib loogu celiyo ciidanka. Halka dadka badankiisu qabaan in abaalkood la mariyo si cashar ugu noqoto kuwa kale.


”Ugu yaraan haddii asxaan loo sameeyo waa in ay dadka hortooda ka qirtaan dambiga ay ka galeen shacabka magaalada dib dambana ugu noqon qabyaalad oo ay u hogaansamaan hogaanka ciidanka ayuu yiri Cali Calasow.


Maleeshiyadan ayaan markii horeba joogin furin dagaal, ee waxay ahaayeen mooryaan loo geliyay direyska dawlada ee yaala suuqyada ee argagixisaduba iibsato ayna ku dagaal gasho.

Boog xun ayay ku noqonaysaa raiisal wasaaraha haddii uu maqlo dhawaqa dagaal oogeyaasha jufadiisa ah ayuu qabaa Xuseen Warsame.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.