Wararka naga soo gaaraya magaalada Marka ee shabeelaha hoose ayaa sheegaya in dagaal xoogan halkaasi ka socdo iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in argagixcisadii halkaas soo gadhay shalay ay dib uga carareen. Somalida qaar ayaa is waydiinaya qorshaha ciidankas Yugaandha goobta uga baxeen hadana u rabaan in ay dib ugu soo noqdaan.
Dadka siyaasada Somaliya indha indheeya ayaa ku tilmaamey talaabadan mid lagu niyadjabinayo dadka Somaliyeed dhinaca kalena lacag badan looga rabo aduunka taageera mashruucvan ka socda dalka.
Wararka Marka ayaacsheegaya in ciidan beeleed marki hore isku dagaali jirey masgaalada oo kalas taageersan Hawiye iyo Biyomaal ay hadda yihiin kuwa dagaalka hogaaminaya.
Lama garanayo kaalinta ciidanka Amisom ku leeyihiin dagaalkan iyo xeelada dagaal ee ay uga baxeen halkaas una tageen tuuladas Shalambood.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS