Dagaal xoogan oo ka dhacay u dhexeeya maleeshiyo taabacsan Siilaanyo iyo dadka deegaanka ayaa ka qarxay xarunta gobolka Sool ee Laascaanood. Dagaalka oo dhacay saqdii ayaa waxa gaara isku helay ciidamo beleed ka soo jeeda Beesha Jaamac Siyaad iyo maleeshiyaadka Isaaq.
Ciidanka Weerarka soo qaaday ayaa ku guulaystay inay la baxaan maxaabiistii halkaas sida xaqdarada ahayd ugu xidhnayd, isla markaana waxa halkaas ku dhintay nin ka soo jeeda beesha Jaamac Siyaad oo ahaa ciidamadii jeelka kala baxayey raggooda.
Maleeshiyaadka Somaliland ayaa doonayey inay la baxaan maxaabiista goor habeenimo ah, ayadoo taas ay ka hortageen koox dhalinyaro beleed ah, oo arinta ka cadhooday.
Magaalada ayaa haatan kacsan, waxana dhex yaacaya maleeshiyaadka Somaliland oo ayagu ku araggaxay weerarka culus ee Xabsiga dhexe lagu ekeeyey, shacabka magaalada Laascaanood iyo guud ahana bulshada ayaa hadal haya sida ragga jeelka looga saaray, halkaasoo dhamaan maxaabiistii oo idil la wada fasaxay.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS.COM