X

Dagaalka federaalka ee u dhexeeya Puntland iyo Galmudug oo hanti badan ku burburtey: SAWIRO

Waxa welli socda dagaalka federaalka ee u dhexeeya Puntland iyo Galmudug kaas oo ay barakaceen dad masaakiina oo lagu dul dagaalamay iyadoo guryahoodii laga dhigtey dhufayso.

Wasiir kasocda Puntland ayaa booqdey guryo rasaastu soo gaadhay oo burburey una muuqda kuwo dhufeysyo laga dhigtey iyo kuwo kale oo xabadu soo gaartey.

Wasiirka hawlaha guud ee Puntland, Wasiirka Deegaanka iyo Wasiirka caafimaadka ayaa soo kormeeray dhamaan goobaha shacabka ee wax yeeladu soo gaartay waxaana goobhaas ka mid ah masjidka Imaamu Shaafici ee xaafada Garsoor.

Wasiirada goobtan booqdey ayaan haba yaraatee ku deeqin wax lacaga oo dib loogu dhisayo waxayse sheegeen in ay dagaalka sii wadayaan iskana celinayaan Galmudug.

Tas oo dhan in aad adigu hantidaada difaacato aadna dib u dhisato, oo aad is waydiin karto dagaalka federaalku muxuu faaiido keenay.

 

  

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.