Waxaa maanta deggan Xaalada Magaalada Marka Cadeey Ee Gobolka Sh/Hoose halkaasi oo Saacadihii lasoo dhaafay dagaalo ay ka jireen.
Labo Maleeshiyo Beeleed ayaa bartamaha Magaalada ku diriray oo isku weydaarsaday hubka fudud iyo kuwa daran dooriga udhaca.
Dagaalka ayaa waxa uu ka dambeeyey markii Maleeshiyaad ay shalay gelinkii dambe weerar ku qaadeen Fariisin Maleeshiyo ay xiisad dagaal ka dhaxeysay oo kusugnaa Xaafada Buula jaan.
Ilaa Xalay fiidkii ayuu soo gaaray dagaalkaasi oo markii dambe iskiis u istaagay waxaana adag in la ogaado khasaaraha kala gaaray labada maleeshiyo Beeleed.
Dad kusugan Magaalada Marka Cadeey waxay sheegeen inay dhibaato ku qabaan Dagaalka mar kasta dhexmara Beelaha Habar Gidir iyo Biyo maal oo aan xalkooda markii la dhameeyaba dib usoo kiciya dagaalka.
Dhowr jeer ayaa heshiis laga gaaray dagaal beeleedkaasi oo sanadihii lasoo dhaafay kusoo laab laabtay Magaalada Marka Cadeey waxaana la ogeyn xilliga ay nabad wada qaadan doonaan labada beel Ee Walaalaha ah.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS