X

Dagaalka Yukarayn oo sii kordhay iyo Ruushka oo u digey Maraykanka

Waxa sii kordhaya dagaalka u dhexeeya Yukarayn iyo falaagada goosatey ee bariga dalkaasi oo intooda badan ku hadla Ruush ama ahba dad Ruusha oo Yukarayn ku hayso cunaqabatayn. Dagaalkan ayaa heshiis laga gaadhay shano kahor.


Hadda waxa dhamaaday xabad joojintii la gaaray shan sano kahor. Falaagada ayaa haysta dhul aad u balaaran oo xad laleh Ruushka, amna rabaan inay Yukarayn ka sii mid noqdaan mar haddii ay la dagaamayso luqadooda iyo dhaqankooda.

Yukarayn ayaa sheegtay in haddii dagaal dhaco uu Maraykanku u balan qaaday inuu taageero, waxayna is leedahay sidii Asarbajaan muqiini falaagada Ruushka ah, waxase taas igniin ka direy Ruushka oo diidey in dadkiisa hortiisa lagu xasuuqo.


Maraykanka ayaa la hubin inuu halis is gelin doono xilli uu aad u xun yahay xiriirka labada dal. Ruushka ayaa mardhow ka digey gantaalo Ingiriiska iyo Maraykanku keenayaan Yurub, taas oo uu ku tilmaamay inuu ka aargoosan doono.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.