Sida uu soo sheegayo wariye ku sugan Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa sii xoogeystay dagaalkii Ka socday Xaafada Hawlwadaag ee Magaaladasi oo ay ku dagalamayeen Hawiye iyo Dir.
Dadka magaalada ayaa xaqiijiyey in ay jiraan dad Shacab ah oo ku dhaawacmay Rasaasta habawga ah ee labada Maleeshiyo ay is weydaarsanayaan kuwaas oo daadsan xaafada Hawlwadaag.
Wararka ayaa intaa ku daray in ay jiraan dad ku go’doonsan xaafada Hawlwadaag ee Galbeedka Magaalada B/weyne oo dagaalkii ugu xooganaa maanta markale dib uga qarxa.
Ciidamada Amisom ayaa isku dayay in ay soo kala dhex galaan. Ciidamada ku labisan dharka dawlada ayaa la sheegayaa in ay qaarkood shadhka bedesheen una dagaalamayaan dhinaca Hawiye.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS