X

Dagaalyahaniinta Ahlusunna oo la wareegay Godinlabe xilli argagixisada ku soo wajahneyd

Xoogaga Ahluna sunna ayaa la wareegay deegaanka Godinlabe ee gobolka Galguduud halkaas oo ay hore gacanta ugu hayeen maamulka Galmudug.

Afhayeenka maamulka Ahlusunna Mursal Xeefoow ayaa sheegay in ciidanka maamulka Galmudug ay ka qabteen maxaabiis , islamarkaana dhawaan ay soo bandhigi doonaan warbaahinta.

Afhayeenka Ahlusunna ayaa sida uu hadalka u dhigay waxa uu sheegtay inay argagixisada Shabaab soo weerartay ayna hadda iyagu ku sugan yihiin Deegaanka Godinlabe.

Ciidanka maamulka Galmudug ayaa Dhanka Cadaado uga baxay Deegaanka Gobdinlabe iyagoo baxsada awoodnas uma laha in ay dib ugu soo noqdaan.

Magaalada Godinlabe ayaa waxaa hadda ku sug Ciidamada Ahlusunna iyo Maleeshiyadii Degaanka ee Sababta u ahaa inuu dhaco Dagaalka Ahlusunna ay ku qabsatay Degaanka Godinlabe.

Sidoo kale Maamulka Galmudug ayaa Ciidamo aad u badan soo dhoobay Duleedka Magaalada Godinlabe.

Dhanka kale Ciidamo badan oo ka baxay Magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ayaa waxaa ay gaareen Degaanka Godinlabe.

Dagaalkii Maanta ka dhacay degaanka Godinlabe waxaa ku dhintay Illaa Saddex Qof.iyadoo ay ku dhaawacmeen illaa Toban kale.

Waxaa Magaalada ka jirta Cabsi ah inuu Dagaal ka Qarxo mar kale Degaanka Godinlabe oo Maanta Gacanta u galay Ahlusunna

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.