X

Dagaalyahaniinta Kurdiyiinta oo ku siqaya xarunta argagixisada ugu weyn ee Moosul

Dagaalyahaniinta Kurdiyiinta oo dhulkooda u diidey argagixisada weyn ee Daacish oo barakicisey xadaaradii ka jirtey Woqooyiga Ciraaq ayaa hadda ku siqaya caasimada labaad ee dalkaasi ee Moosul.

Moosul ayaa ahayd magaalo xadaarad leh intii argagixisada Daacish ayna xididada u siibin iyadoo guryihii dadku si wadajira u deganaayeen qarniyo ku kala qortey muslim iyo gaalo.

Waxay la yimaadeen mabaadiid Sucuudigu wato waxa magaalada ka qaxay kumanaan dadkii ehelka u ahaa.

Moosul waa magaalada ugu weyn ee ay argagixisadu ka joogto Ciraaq, waxana ku siqaya geesiyaasha Kurdiyiinta.

Dhinaca kale ciidanka Ciraaq ayaa iyaguna dhinaca Koofurta ka soo socda.

Argagixisada ayaan si fudud uga baxayn magaalada waxayna ku dhuuntaan guryaha dadkii ay barakiciyeen.

Weerarka Moosul ayaa loo diyaariyay ciidan aan soo noqosho lahayn.

Rashiid Ceelaayo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.