X

Dalkaasi yar ee Singabuur oo haweenay Muslim ah u doortey madaxweyne

Dalkaasi yar ee Singabuur ayaa haweenay Muslim ah u doortey madaxweyne markii ugu horeysay taariikhda muddo laga joogo 47 sano. Singabuur ayaa ka mid ahayd Malaysia waxase loo gooyay Shiinaha.

Haweenaydan ayaa hore u ahayd afhayeenka barlamaanka dalkaasi muddo sadex sano ah. Singabuur oo ah hal magaalo ayaa gebi ahaanteedba ku xiran Malaysiya dhinaca biyaha.



Waxase jooga ciidan Maraykana waxana la siiyay hubkii ugu dambeeyay sida diyaaradaha yo gantaalaha. Dhawan ayay ahayd markii la bedelay dastuurka taas oo laga dhigey in madaxweynaha Noqdo Malay oo inta badan ah fiqiiriin Muslimiina.

Singabuur ayaa laga eryay federaalka Malaysiya markii ay isku dhaceen labadii xisbi ee kala xukumayay Malaysiya iyo dekeda Singabuur sidaana ku noqotey dal madax banaan.



Waxa gobolka ku nool dad asalkoodu Shiine yahay iyo shaqo doon Ingiriisku ka keenay Hindiya. Madaxweynihii dalkaasi ugu horeeyay ahaa Muslim inkastoo dadka u badan ay yihiin Shiine.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.