Danjiraha ayaa u kuurgalay xaaladda caafimaad iyo midda nololeed ee maxaabista, kuwas oo ku xukuman xabsi dheer.
Safiirka oo ay wehelinaysay Qunsulka safaarada ayaa kulanka maxaabiista kadib, waxay shir la qaateen taliyaha xabsiga dhexe ee Zamai’l G/Sare Cabdullahi Bin Maxamed Al-Maxrasi, iyaga oo ka wada hadlay la dhaqanka maxaabiista Soomaaliyeed iyo sidii fursado waxbarasho ay uga heli lahaayen gudaha xabsiga maadaama ay ku xukuman yihiin xabsi dheer.
Taliyaha Xabsiga G/Sare Cabdullahi Al-Maxrasi ayaa ka ballanqaaday Safiirka in uu dhalinyarada siin doono ahmiyad gaar ah, una sahli doono Xirfadaha Waxbarasho ee laga bixiyo gudaha Xabsiga.
Ugu dambeyntii G/Sare Cabdullahi Al-Maxrasi ayaa bogaadiyay dadaalka Safaaradda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Cuman, ee la xiriiro la socodka xaaladda guud ee Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xiran Xabsiga Dhexe ee Zama’il ee dalka Cuman taas oo buu yiri aaney ka helin safaaradaha dalalka kale ee muwaadinintoodu ku jiran xabsiga.
Boqolaal dhalinyaro Soomaaliyeed ayaa ku jira xabsiyo badan oo ku yaal caalamka iyagoo loo haysto dambiyo la xiriira burcad badeednimo iyo tahriib.
Hase yeeshee waxa aad u kooban xiriirka ay dowlada Soomaaliya la sameyso muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku jira xabsiyada dalalka caalamka.
Talaabadan uu qaaday safiirka dalka Cammaan ayaa ah mid sababi karta inay ku daydaan wakiilada dalalka kale ee caalamka.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS