X

Danjiraha Somaliya u fadhiya Suudaan oo la kulmey ehelada wiil lagu diley dalkaasi: SAWIRO

Danjiraha Somaliya u fadhiya Suudaan ayaa la kulmey ehelada wiil lagu diley dalkaasi. Ehelada wiilka la diley oo ka soo kicitimay Hargeysa ayaa safiirka ula kulmey sidey u ogaan lahayeen waxa sababay dilka wiilkooda.


Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Suudaan ayaa bogaadiyey sida jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkan ay u soo dhaweysay ehelada iyo qoyska marxuumka ee soo gaaray Khartoum, isagoona tilmaamay in Safaaraddu ay u taagan tahay ilaalinta xuquuqda muwaadiniinteenna ku sugan dalka Suudaan.


Dhankooda, Ehelada iyo qaraabada Marxuumka ayaa uga mahadceliyey Safiirka soo dhaweynta wanaagsan iyo sida masuuliyadda leh uu ugu istaagay dhibkii dhacay.

Dawladda Suudaan ayaa gacanta ku haysa eedaysanaha dilkan ku lug leh oo isna ah muwaadin Soomaaliyeed, iyadoona ay socdaan baaritaannada la xiriira iyo tallaaboyinka sharci ee lagu wajahayo.


C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.