X

Danjire runta sheegay oo lagu qasbey inuu is casilo

Danjire Guulwade oo ka mida guddiga maamulka Somalilaan diidey ee madaxweynaha Somaliya u magacaabay ka soo talobixinta sidii loo dhamayn lahaa sheekada goosadka ee hadda fashilantey, ayaa runta qarxiyay waraysi kooban oo uu bixiyay.


Danjire Guulwade ayaa sheegay in weerarkii dawladii Somaliya ku difaacaysay qaramimada dalka lagana difaacaysay jabhadihii Indhaha la’aa inay sax ahaayeen.

Danjireha ayaa intaas kadib lagu qasbey inuu is casilo maadaama uu runta qarxiyay ujeedadina ahayd in run laga fogaado oo qiil loo sameeyo jabhadihii uu taageero jirey gaalkii weynaa ee Mingeste.


“Waxa muuqata inaan run la isku sheegayn ayuu yiri Xuseen Warsame oo Hargeysa jooga waayo SNM iyadaana is xasuuqdey, waxay hubkii Mingeste Ku weerartay qabiilada jaarka, waxay fuliyeen xasuuqyadii Kalshaale iyo Awdal ayuu raaciyay Xuseen Warsame.

Waxay waxaas oo dhan ku sameeyeen magaca dawlad marka maxaa u diidey dawladii xaqa ahayd ee dalka ee horumarka inay daafacdo amarka iyo Kala dambeynta.

Warbixintii Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.