X

Dareenka dadweynaha Boorama iyo dabaaldegii 18 May iyo kacdoonka reer Adal: QORMADA MAANTA

Waxa xalay ciidan lagu wareejay inta badan furimaha waaweyn ee ciidan ka soo gali karo magaalada Boorama iyadoo degmooyinka kale intooda badan ay faaruq ahaayeen oo ayna joogin ciidan tayo ama baabuurta qoryaha waaweyni saaran yihiin. Dareenka magaalada ayaa xalay oo dhan dhegaha faraha la gashanaa taas oo keentay in dadka badankiisu guryaha iska joogaan ama meheradaha iska wataan.

Subaxnimadii saaka ayuu bilowdey is abaabulka waaweyn waxana magaalada la keenay lacagtii ugu badneyd ee Siilaanyo bixin kari lahaa maalintoodan 18 May. Lacagtaan ayaa loo qaybiyay dadka lagu tuhmayo in ay dad soo kicin karaan iyadoo xataa la bixinayay balanqaadyo ka duwan kuwii hore.

Waxa lacago saaida la siiyay afarta oday salaadiinta ee horbooda Siilaanyo iyo Xirsi Tooriile oo iyagu ku dhiftey lacago ay ku farxaan. Waxana kuu muuqda in lacago badan loo soo leexiyay Boorama. Odayada ayaa saaka wada hadlay iyagoo hadda dhiiran lacag fiicana ka dambeyso.

Waxa ugu dambeyn go’aan lagu gaadhey in la yareeyo dadka ka soo qaybgalaya. Waxayse dhamaantood kasoo bilow Ramaax iyo Ciro iyo salaadiin intuba wadnaha farta ku hayeen in xaaladu isbedeli doonto oo kacdoonku ka burburin doono damaashaadkan.

Dhalinyaro iyo waayeel waxa wadnaha farta lagu hayay in magaaladu subax nabada ku waabariisan doonto. Arinta dad badan ka yaabeen ayaa ahayd iyadoo la diyaariyay NACAMLAYAAL dadka ama salaadiinta hadlaya iyo Sayliciba ka hoos yiraa WAA RUNTAA iyagoo og in waxa ay sheegayaanba ayna ku jirin waxyar oo xaqiiqa.

NACAMLAYAASHAN ayaa bedelay dad badan oo lagu yaqaanay ka soo qaybgalka xafladahan sida nin odaya ku sheegay arin ku cusub oo aan Boorama hore uga dhicin oo la doonayay in dhalinyarada maxkaxda looga qabsado.

Isku soo wada duuboo maalintan ayay dadka badankiisu u yaqaanaan maalinta QAYILAADA waxana qaadkii magaalada lagu kala dareeray goor hore,,waxana nin odaya noo sheegay in ”maalin kaste uu jeclaa in ay u ahaato 18 May si u QAYILO”.

Iyadoo ay jiraan arimahaas oo dhan ayaa hadana waxay ku dhamaatay maalintii beeshe dhexe iyadoo cidina wax ku noqon,,,kacdoonka reer Adal oo iyagu hadda og in ay yihiin kacdoon la ogyahay oo xilliga ay doonaan qaadi kara talaabo milatari ayaa u muuqda in ay dib u dhigteen.

Maxamed Yusuf

ARAABINEWS.COM

 

admin:

This website uses cookies.