X

Dawlada dhexe ee Itoobiya oo amniga shidaalka Somali galbeed u dhiibtey askar Somalia ah

Waxa markii ugu horeysay deegaanada shidaalka ee Somali galbeed loo dhiibay ciidan hoostaga isla dawlada Somali galbeed ee uu madaxweyne ku xigeen ka yahay Mustafe Cagjar.


Waxa goobta laga qaaday ciidankii faraha badnaa ee Itoobiya ka joogay halkaas waxana hawsha ilaalinta sii wadi doona ciidanka Liyuu booliiska weliba kuwa aad loo tababaaray.


Lama garan karo in la siiyay hub ku filan iyo weliba saad maadaama ay dhici karto in kooxaha argagixisada ah soo weeraraan. ”“Haddaba anaga oo nidaamka ilaalada ee ciidanka deegaanka kalsooni aad u wayn ku qabna, haddana waxaan ku boorinaynaa inay hantidooda ilaashadaan, xil aad u wayna iska saaraan adkaynta amniga ee ceelasha shidaalka” ayuu yiri Cabdinuur Faarax.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.