Addis Ababa 23 Dec 2014–Dawlada Itoobiya ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay buuxiso kaalintii ay baneeyeen ciidamada Siiraliyoon magaalada Kismaayo oo iyaga laga saaray halkaasi kadib markii dalkoodu ka dilaacay cudurka Iboola. Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamo hore u joogaan Koofurta Somaliya hadana ay diyaar tahay in ay soo kordhiso.
Siyaasiyiinta Jubba ayaa iyagu ku farxi lahaa in ciidamada Kiiniya laga saaro magaalada Kismaayo iyagu toos ula safan maamulka Axmed Madoobe.
Itoobiya ayaa ciidamadeedu ku sugan yihiin magaalada Baydhabo waxayna kaalin weyn ka qaadatay ciribtirka argagixisada caalamiga ah oo aafeeyay dadka Muslimka ah.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS