X

Dawlada Itoobiya oo diidey in argagixisada Tigreega loo furo xadka Suudaan

Dawlada Itoobiya ayaa ku gacan saydhey in argagixisada Tigreega loo furo xadka Suudaan. Wadamada reer galbeedka ayaa dalbaday in xadkan loo furo si ay hub uga soo daldalaan Tigreega gabalkiisii dhacay. ”Waa shiki la’aan inay rabaan inay hub uga soo dusiyaan falaagada la beecsaday ayuu yiri masuul qariyay magaciisa oo arintan ka hadlay.


Argagixisada ayaa waxa ka xirmey dariiqii Canfarta markay weerar ku qaaday Canfarta. Waxa jira kumanaan gawaadhi oo gargaar wada oo ku cadilan xadka Canfarta iyo Tigreega maadaama aanu jirin cid sii wado ila Tigreega.


Dhawaan ayaa ciidanka Itoobiya liqay guurto caruur u badan oo Tigreegu soo dhoobay dhinaca Canfarta. Maraykanka iyo reer galbeedk ayaa cadaadis xoogan ku saaray Itoobiya inay dib uga soo baxdo. Waxayna isku dayeen inay hub u soo raaciyaan caawimada waxase qabtey ciidanka ilaalada Itoobiya.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.