Xukuumada Jabuuti ayaa ka hadashay sida ay u edbiyeen Markab Masaari ah oo koonto lagu siiyay in uu xaalufiyo kaluunka badda Saylac lacagta xaalufintan badda Saylac ayaan dadka deegaanka waxna ka soo gaarin oo kaliya ay ka soo gaartey cunaqabatayn dhinaca kaluumaysiga ah.
Markabkaas ayaa laba maalmood kahor isku dayay in uu xaalufiyo kaluunka jamhuuriyada Jabuuti iyada oo ay saaran yihiin ilaalo lacag lagu siiyay markabka waxase si sharafa badooda uga difaacdey ciidanka adag ee Jamhuuriyada Jabuuti halkaas oo dhalintii saarneyd markabka ay is waydaarsadeen rasaas halkaasna lagu diley askari ka tirsan.
Markabkan Masaariga oo ah kuwa jariifka ee xataa xaaqa ukunta kaluunka ayaa ka sameeyay malaayiin doolar kaluunka ay dabaalan lahaayen shacabka Saylac ee abaartu dishatey waxana lacagta uu bixiyaa ay si toosa ugu dhacdaa jeebta qaar ku dhow maamulka Siilaanyo.
Hoos ka daawo warbixin xukuumada Jabuuti kaga hadashay sidey u edbiyeen.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS