X

Dawlada Koofurta Kuuriya oo Somaliya ugu deeqday afar gawaadhi oo ah kuwa martida lagu qaado

Dawlada taajirka ah ee Koofurta Kuuriya ayaa Somaliya ugu deeqday afar gawaadhi oo ah kuwa lagu qaado marida. Afartan gawaadhi oo ah kuwa dalkaasi ku caan yahay ee Hyundai ayaa lagu wareejay wasaarada arimaha dibeda.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay uga mahadcelinysaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Korea deeq ka kooban afar gaadiid oo ah nooca martida oo loogu deeqay Waaxda habmaamuuska qaranka ee Wasaaradda.

Gaadiidkan ayaa Wasaaraddu u adeegsan doontaa martida shisheeye ee dalka soo booqata , waxa ayna qeyb ka noqon doonaan  dadaalo balaaran oo Wasaaradda lagu qalabeyn doono , laguna tayeyn doono habsami u socodka shaqo iyo shaqaale.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM

 

 

 

admin:

This website uses cookies.