Dawlada oo 50 milyan ka heshay Sucuudiga kana hadashay halka lacagtaas lagu shubey iyo waxa lagu qaban doono. Maaha markii ugu horeysay ee Sucuudigu siiyo dawlada lacago hoose.
50 Milyan meelna kagama dhacdo hawlaha horyaala dawlada Somaliya oo leh baaxad xoogleh.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Boqortooyada Sucuudiga uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee dib u dhiska dalka, gaar ahaan deeqda 50-ka Milyan ee dollar oo ay soo gaarsiisay Dawladda Federaalka Soomaaliya.
“Xiriirka walaaltinimo ee qotoda dheer ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga waa mid taariikh fog leh, kaalmadaan waqtigan loogu baahi badan-yahay waa mid ka tarjumeysa sida Boqortooyada Sacuudiga ay uga go’antahay garab-istaaga dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, Waxayna sahleysaa in Dawladda Soomaaliya sii labo jibaarto soo celinta amniga iyo nabadeynta dalka.” Ayuu yiri Khayre.
Khayre ayaa yiri “Waxaan si kal iyo laab ah uga mahadcelineynaa Boqortooyada Sacuudiga oo waqtigan baahida loo qabo noogu deeqday 50 Milyan oo dollar si loogu adeego shacabka Soomaaliyeed, taas oo muujineysa sida dalka aan wallaalaha nahay ee boqortooyada Sacuudiga ay u daneynayso ka qeyb qaadashada dib u dhiska dalkeena.”
Xasan Cali Khayre oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay sida ay dawladda Federaalka uga go’antahay in deeqdaas loogu isticmaalo kordhinta adeega shacabka Soomaaliyeed.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS